WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dad shacab ah oo ku dhintay Qarax lagula eegtay Sh/Dhexe

By xuseen waashitoon

June 12, 2022

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhimatay, halka laba qof kalena waxaa ay ku dhaawacmeen qarax xoogan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana qaraxaas uu ku qabsaday Mootada inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Garoonka diyaaradaha Magaaladaasi Jowhar.

Ciidamo iyo dad shacab ah ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana ka qaaday goobta Meydadka afarta ruux ee ku dhimatay qaraxa, halka laba qof ee dhaawacantay la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada, si loogu dabiibo xaaladdooda.

Dadka la qarxiyey ee Mooto Bajaajta saarnaa oo ka baxay Magaalada Jowhar  ayaa kusii jeedeen tuulooyin ka tirsan degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, hayeeshee uu qaraxu ku qabsaday meel ku dhow Garoonka.

Waa markii saddexaad oo qarax miino oo ay dad rayid ah waxyeelo ka soo gaarto oo ka dhaca inta u dhexeysa Jowhar iyo garoonka diyaaradaha, dhawaan ayey aheyd markii sidaan oo kale qarax miino uu ku qabsaday Mooto Bajaaj ay dad  shacab ah la socdeen .