WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dad ku le’day Qarax ka dhacay Shabeellaha Dhexe

By xuseen waashitoon

February 14, 2022

Qarax miino ayaa haleelay mooto Bajaaj ay saarnaayeen afar ruux oo rayid ah tuulada Xaanshooleey oo ka tirsan Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Afarta ruux ee qaraxu haleelay ayaa wararku sheegayaan in dhammaan ay geeriyoodeen,  waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in dadkaasi ay ahaayeen Ganacsatada Hilibka oo ku guda jiray howlahooda Ganacsi.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Hirshabeelle oo halkaas ka qaaday Meydadka dadka shacabka ahaa, sidoo kalena Ciidamada ay wadaan howlgalo baaritaano ah.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay uga hadlayaan qaraxa khasaaraha dhaliyey ee Maanta ka dhacay tuulada Xaanshooleey oo ka tirsan Magaalada Jowhar.