WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wararkii ugu dambeeyay Dad isku qoys ah oo ku dhintay Madfac ku dhacay

By xuseen waashitoon

December 02, 2021

Dagaal muddo kooban socday ayaa ku dhexmaray galbeedka Magaalada Beledweyne Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin halka loo yaqaano Bacaadada ee Xaafada howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in mid kamid ah madaafiicdii leys dhaafsanayay uu ku dhacay guri ay degan yihiin dad rayid ah, waxaana ku dhintay Saddex Carruur Walaalo ah halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

laamaha Amniga Magaalada Beledweyne ayaan weli ka hadlin weerarka Magaalada Beledweyne, iyada oo xaaladda Magaalada saaka ay tahay mid degan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKAÂ