WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Al-shabaab oo gubay Gaari Dameero siday Raashin ay…

By xuseen waashitoon

December 05, 2021

Wararka aan ka heleyno duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Maamulka koonfur Galbeed ayaa sheegaya in halkaas ay Al-shabaab ku gubeen gaari Dameero raashin u waday degmadaas oo ay lahaayeen Ganacsato..

Dad ayaa ku warramay in Al-shabaab ay dab qabadsiiyeen dhowr gaari Dameer oo u rarnaa dad Ganacsato ah oo ku sugan degmada Waajid, waxaana la sheegay in toogasho lagu dilay dameeradii waday raashinka la gubay.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in goobta uu falku ka dhacay ay si deg deg ah uga baxsadeen dadkii waday dameerada, iyagoona u baxsaday dhul howd ah oo Shabaabka ay ka cabsadeen inay uga daba tegaanka dadka.

Ma ahan dhacdadan mid ugub ah, waxaana muddo siddeed sano ah Al-Shabaab ay go’doon ku heysay degmada Waajid iyo deegaanada hoos yimaada, iyada oo arrintaasi saameysay dadka shacabka ah.

Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah Gobollada dhaca koonfurta dalka, isla-markaana ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.