Faah faahino ayaa laga helayaa qarax sababay dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan halka lagu magacaabo S Company oo ka tirsan Xaafada suuqa xoolaha ee degmada Hiliwaa ee gobolkaan Banaaadir.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog, isla markaana waxaa lala damacsanaa gaari ay leeyihiin Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka oo goobta marayay.
Qaraxa ayaa dhacay xilli uu gudbay gaariga ay saarnaayeen ciidamada, ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, mid kalena waa ku dhaawacmay qaraxii xalay ka dhacay halka lagu magacaabo S Company oo ka tirsan Xaafada suuqa.
Dhinaca kale, xalay dadka Muqdisho waxay ka joogi la’yihiin dhawaaqa hub culus oo laga maqlayo duleedka aaga garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho,
Hubkan culus waxaa lagu sheegay Dabrid ay sameynayaan ciidamo tababar ku jira, waxaana uu ka dhacayaa xero ciidan oo ku taalla nawaaxiga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.