WARARKA SOOMAALI

WAR DEG DEG: Qarax saddexaad oo ka dhacay Magaalada Baladweyne

By xuseen waashitoon

October 03, 2022

Qarax kale oo saddexaad loona adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa mar kale lagu weeraray xerada lamagaalay ee Magaalada Baladweyne.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay inta badan xaafaddaha magaalada, waxaana qaraxa xigay rasaas xooggan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Hirshabeelle.

Saaka ayey aheyd markii qaraxyo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa lagu weeraray xerada lamagaalay oo ay ku dhex yaalla Xarunta Madaxtooyada iyo tan Maamulka Gobolka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo dad shacab ah ayaa dhimasho iyo dhaawwac ku noqday qaraxyadii ka dhacay Xarunta Gobolka Hiiiraan ee magaalada Baladweyne.