WARARKA SOOMAALI

WAR CUSUB: Guddigii Doorashooyinka Qaranka oo la kala diray

By Xuseen Post

April 21, 2021

Guddigii Arrimaha Doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ayaa la kala direy, kadib markii dhowaan Golaha shacabka uu u codeeyay in doorasho qof iyo cod ah dalka laga qabto.

Madaxda Guddigii doorashooyinka heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka ayaa waxaa xalay kulan afur ah la qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Guddigaan oo ay markii hore magacaawday Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa muddo 6 bilood ka taagnaa khilaaf xoogan, kuwaasi oo aan wax shaqo qaban tan iyo markii la dhisay, iyadoona ugu dambeyn xalay la kala diray.

Guddiga ayaa waxaa la dejiyay hoteelo ku yaalla Muqdisho oo maalmo lagu siinayay Seminaaro ku aadan doorashooyinka, isla markaana soo saaray War-saxaafadeedyo kala duwan oo ay uga hadlayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo baaqyo ku socda Madaxda dowladda Ferderaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Guuleed ayaa guddiyadii Doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka uga mahadceliyay dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood.