SOMALI NEWS

Waqtiga dhaarinta Xildhibaanada Labada Gole oo la shaaciyay

By xuseen waashitoon

March 16, 2022

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray jadwalka soo xareynta xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka 11-aad, iyadoo la qorsheeyey in ugu dambeyn 14-04-2022, la qabto xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka dalka.

Sida ku cad jadwalkaan 16-ka bishaan oo ku beegan Arbacada berrito illaa 23-ka bishaan ayaa la qorsheeyey in lasoo uruuriyo dukumintiyada Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka, iyadoo 24-ka ilaa 29-ka la qorsheeyey in la hubiyo dukumintiyadaas.

Inta u dhaxeysa 31-ka Maarso ilaa 4-ta bisha soo socota ee Abriil waxaa la qorsheeyey in la shaaciyo natiijada rasmiga ah ee doorashooyinkii baarlamaanka iyo in la soo xareeyo dhamaan Xildhibaannada labada Aqal.

5-ta Abriil ilaa 10-ka bishaas waxaa la qorsheeyey in shahaadada Xiildhibaanimada la siiyo dhamaan xubnaha la doortay ee labada Aqal.

11-ka bisha Abriil waxaa loo qorsheeyey inay dhacdo wareejinta galalka macluumaadka xildhibaanada labada Aqal.

Ugu dambeyntii 14-ka Abriil xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa qabanaya xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka 11-aad, sida ku cad jadwalkaan caawa ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal.