WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socday Xukuumadda Somalia oo Shir uga qeyb galay Dooxa

By xuseen waashitoon

March 29, 2022

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md, Durraan Axmed Faarax iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Dubai ee waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta uga qeybgalaya Shirka dowladaha Adduunka kaas oo ay ka qaybgalayaan in ka badan 190 Waddan.

Shirka oo maanta galay maalintii labaad ayaa maanta lagu soo bandhigay doodo xoojinaya dawladnimada, sidoo kalena kor loogu qaadayo hal abuurnimada si dawladaha caalamka ay ula jaan qaadaan isbeddalada Caalamiga ah.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawadda, Duraan Faarax ayaa sheegay in qorshaha iswaafajinta duulimaadyadda rayidka ah iyo Amniga caalamiga ee maanta lasoo bandhigay uu wax badan ka taridoono badqabka duulimaadyadda Rayidka ah.

Soomaaliya ayaa Shirka kusoo bandhigtay fikrado la xariira iskaashi caalami ah oo ku salaysan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ay ugu horreeyaan horumarinta Garoomada Diyaaradaha.