WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socday Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo gaaray Magaalada Garoowe

By xuseen waashitoon

January 22, 2022

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada heer federaal Maxamed Cawil Warsame, ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee caasimada Dowlad Goboleedka Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada iyo xubnaha la socda oo ka kooban 4 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada Golaha Shacabka ee maanta ka dhaceysa magaalada Garoowe.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada ayaana kor joogteyn iyo qiimeyn ku sameyn doona sida ay ku socdaan doorashada gollaha shacabka ee ka dhaceysa magaalada Garawe iyo hanaankii loo maamulayo.

Doorashada ka bilaabaneysa magaalada Garawe ayaa durba waxaa hareeyay buuq kadib markii qaar kamid ah Musaharaxiinta kuraasta qaar sheegeen in la boobay kuraastooda lana xareeyay ergo iyo Odayaal aan sax aheyn.