WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya oo Shirweyne uga qeyb galay Nairobi

By xuseen waashitoon

March 01, 2022

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdixakiin Xasan Ashkir, Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya, Agaasimaha degaanka iyo isbeddelka cimillada iyo xubno kale kale ayaa ka qayb galay shir weynaha degaanka ee Qaramada Midoobay ee UNEA 5 oo ka furmay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Qoraal ay dowladdu kasoo saartay shirka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay xoojineyso heshiiska waddamada caalamka ay shirkan kasoo saarayaan ee ku aaddan sidii loo joojin lahaa adeegsiga bacaha iyo balaastigga oo dhib weyn ku haya bed qabka degaanka.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdixakiin Xasan Ashkir iyo  Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa madasha Shirka ka jeediyey khudbado ay uga hadleen xoojinta adeegsiga bacaha iyo balaastigga

Shirkan ayaa inta uu socdo ayaa waxay wefdigu kulamo doceedyo la yeelan doonaan hay’adaha caalamiga iyo waddamada taageera arrimaha deegaanka, si loola tacaalo waxkaqabka isbeddelka cimillada iyo aafooyinka deegaanka ku dhaca.