WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galay dalka…

By xuseen waashitoon

December 08, 2021

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta & Daaqa DFS Xil. Maxamed Aadan Macalin (Somali) iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa kaga qeybgaly shir heer sare oo muhiim ah dalka Jabuuti.

Shirkaan oo ujeedkiisu ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa in xoolaha iyo bulshada ku dhaqan kalasterka 4aad ee lamagac baxay DIKHIL ay ugu adkeysan lahaayeen abaaraha iyo musiibooyinka la xiriira, si xal waara loogu helo baahiyaha ballaaran ee xoolaha iyo dadka xoola dhaqatada ah sida Daaqa, Biyaha, Caafimaadka Xoolaha iyo adeegyada fayadhowrka.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga hadalayey wax ka qabashada nabadda iyo xasilooni kuwada noolaashaha bulshooyinka xoola dhaqatada ah ee ku dhaqan xuduudaha saddexda dal ee ku bohoobay Kalasterka 4aad ee DIKHIL.

Shirkaan waxaa soo qabanqaabiyay Urur goboleedka IGAD waxaana ka soo qeyb galay Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya oo ku bohoobay kalasterka 4aad ee DIKHIL.