WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socda Maamulka K/Galbeed oo gaaray Magaalo ay ka jirto xaalad adeg

By xuseen waashitoon

August 15, 2022

Wafdi isugu jiray Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta gaaray Magaalada Bardaale ee Gobolka Baay ee Maamulkaasi.

Wafdiga ayaa diyaarad helikopter ku tegay Magaalada Bardaale ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka wafdiga ka socda Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu yahay sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladda nololeed ee ka jirta Magaalada iyo inay kulan la qaatan Maamulka iyo Odayaasha dhaqanka oo ay kala hadli doonaan Arrimo kala duwan.

Degmada Bardaale ayaa kamid ah degmooyonka ay saameynta ku yeesheen abaaraha iyo colaadaha ka jira Koonfur Galbeed, waxaana dhawwaan la filayaa in degmada yeelato golle cusub oo deegaan ,kaddib markii golihii hore waqtigoodu dhammaaday.