WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galaya dalka Lubnaan

By xuseen waashitoon

March 21, 2022

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Muuse Maxamed Cusmaan, ayaa dalka Lubnaan ee caasimadiisa Beyruud uga qeybgalaya shirka Madasha Carabta ee ‘Himillooyinka Horumarka waara (SDG), ka soo kabashada iyo u adkeysiga dhibaatoyinka’ kaas oo loo qabto dowladdaha Carabta.

Shirka ayaa waxaa lagu falanqeynayaa aragtida la xariirta horumarka iyo natiijooyinka laga gaaray hirgelinta ajendaha 2030-ka.

Dowladda Somaaliya ayaa madasha ku soo bandhigi doonta faa’iidooyinka barnaamijka muddada fog ee isku xirka nabadda, bini’aadanimada iyo horrumarinta arrimaha bulshada.

Sidoo kale, hirgelinta himillooyinka horumarka waara (SDGS) halka dalkeenna uu ka joogo ayaa lagu wadaa in Soomaaliya ay ku soo bandhigto shirkaas.

Ugu dambayntii, shirka ayaa waxaa looga faaloonayaa, saameynta caabuqa Coronavirus uu u gaystay dhaqaalaha dalalka Carabta. wuxuuna shirkaani socon doonaa mudo 3 cisha ah.