WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Dhaqaalaha & Galbeedka Aasiya

By xuseen waashitoon

March 08, 2023

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dawlada Federalka , Cabdisalaam Shariif Xuseen ayaa dalka Tunisiya uga qayb galay shirka golaha dhaqaalaha iyo bulshada ee galbeedka Aasiya ee Qaramada Midoobay (ESCWA).

Shirka farsamo cilmiyeedkaa ganacsiga iyo dhaqaale kobcinta ayaa ujeeddadiisu ahayd in laga caawiyo ganacsiyada gobolka sidii ay u heli lahaayeen suuqyo heer gobol iyo heer caalami ah, kobcinta ilo-dhaqaale iyo keenista xeeladaha loo baahan yahay in lagu taageero SMEs.

Wasiir Cabsisalaam Shariif ayaa kulanka ka bidhaamiyay iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya dunida Carabta iyo baahida loo qabo in la billaabo weji cusub oo loogu talagalayo kor u qaadista heerka maalgashiga ganacsiga iyo in lasii xoojiyo xiriirka dhaqan-dhaqaale ee gobolka ESCWA.

Wuxuu wasiiru dowlaha ka qeyb galyaasha kulanka la wadaagay in soo laabashada shirkadaha shisheeye ee Soomaliya ay ku timid isbeddalka wanaagsan ee xaaladda amniga , xasilloonida iyo mustaqbalka dalka oo dhan, taas oo ku timi ballanqaadyadii uu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr; Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo Wasiirku carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la taageero oo la hawl-geliyo rugaha wadajirka ah ee gobolka, si loo horumariyo ganacsiga gaarka ah loona fududeeyo dhaqdhaqaaqa ganacsatada iyo hababka maaliyadeed ee qaab dhismeedka dib-u-soo-nooleynta ganacsiga, warshadaha iyo waaxaha maalgashiga.