WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb

By xuseen waashitoon

July 20, 2022

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dawlad-gobolleedka Galmudug.

Wasiirka , waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Galmudug , Yaxye Hiish Xuseen , ku-xigeenkiisa Maxamed Nuur Diini, guddoomiyaha gobolka Galgaduud, Cilmi Cali Cabdi, Duqa degmada Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed iyo mas’uuliyiinta kale.

Ujeeddada socdaalkan ayaa la xiriirta u-kuurgalida saameynta abaarta qoysaska danyarta ee ku nool deegaannada Galmudug iyo sida ay uga faa’iideysanayaan taageerrada Dawladda ,iyadoo loo marinayo Barnaamijka Qaran ee caawinta Dadka nugul (Baxnaano).

Wasiirka ayaa sidoo kale inta uu ku suganyahay Galmudug , wuxuu tagi doonaa qaar ka mid ah deegaannada ay ku noolyihiin qoysaska danyarta.  Socdaalka Wasiirka Cabdiwahaab, waxaa ku weheliya madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardosa Axmed Cabdullaahi iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.