Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wadooyinka Muqdisho oo saaka Xidhan iyo Shacabka oo ku dhiban Dowladda Farmaajo oo wali haysa wadadii Xasan Culusow ka tagay.-Warbixin

Waddooyinka Muqdisho ayaa maaanta la xidhayaa munaasabada aas aaska maalinta ciidanka xoogga dalka ee 12-ka April, iyadoo uu socdo howl gallo amni sugid ah.

 

Jidadka muhiimka ee halbowlaha u ah isu socodka degmooyinka Muqdisho ayaa la xiray caawa, iyadoo la dhigay ciidamo fara badan.

Warbaahinta dowladda ayaa caawa sii deyneysay farriimo dadka loogu sheegayo in berri la xirayo waddooyinka Muqdisho, shacabkana looga codsanayo inay u dulqaataan, maadaama ay dhaceyso munaasabada loogu dabaal dagayo maalinta ciidanka xoogga dalka

Tani ayaa u muuqata mid ay dowladdu ugu qiil sameyneyso jid xirashada, maalinta berri ah oo aan magaalada wax dhaq dhaqaaq ah ka jiri doonin.

Dad badan ayaa xusuusta hadaladii ololihii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in aan jid dambe la xiri doonin, shacabkana aan la dhibaateyn doono, laakiin waxaa iska caadi ah xaalada Muqdisho oo qof walba madax ka noqoto inuu qaado tallaabada jid xirashada.

Gelinkii dambe ee maanta ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo loo xiray wadada ka baxda Madaxtooyada illaa garoonka diyaaradaha, soo laabashadiisa safar uu ku tagay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Tallaabadan oo ah tii u horeysay ee ay qaado dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagaga gol leeyahay, in lagu sugo ammaanka Munaasabada maalinta ciidanka xoogga dalka oo lagu wado inay ka dhacdo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada qalabka sida ay maalinta berri ku soo bandhigi doonaan dhoolatus kala duwan, waxaana qorshuhu yahay in munaasabada maalinta 12-ka april in loo weyneeyo si la mid ah tii sanadkii hore.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo munaasabada maalinta 12-ka April ee aas aaska ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta dowladda, saraakiil ciidan iyo wakiilada beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan munaasabada.

 

Exit mobile version