WARARKA SOOMAALI

Waddooyinka Muqdisho oo laga sameynayo Biya mareen si toos ugu shubaan Badda

By xuseen waashitoon

July 16, 2022

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray qaar kamid Waddooyinka Caasimadda oo ay ka socdaan howla dib loogu abuuraya gooba Biya mareen ah oo loogu talagalay in ay si toos ah ugu shubaan Bada.

Wadooyinka uu kormeeray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa kamid ahaa.

1- Wadada Buundooyinka, oo ay ka socotay howla dayactir ah.

2- Wadada hormarta Xarunta Taliska qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidan boliiska Soomaaliyeed ee tagta isgooska Afarta Darjiin.

3- Warta KM-4 oo ay ka socotay howla biyaha looga qaadaye.

4- Wadada Buula Xubeey ee degmada Wadajir.

Goobahaas uu maanta kormeeray Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa waxaa ka socday howl dib udhis ah oo Wadooyinka loogu Sameynayay Tubooyinka biyaha qaada kuwaas oo si toos ah ugu shubi doona Bada, si looga gudbo caqabadaha ay Roobka u geestaan isku socodka Caadimadda iyo Bilicda.