WARARKA SOOMAALI

Waddooyinka Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha oo Maanta xiran

By xuseen waashitoon

December 28, 2022

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa Maanta xiray inta badan waddooyinka waaweyn ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoona la joojiyay isku socodka gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada ayaa gawaarida iyo mootooyinka u diiday inay maraan waddooyinka Muqdisho, isla markaana jidadka ku xiray dhagxaan iyo biro, si aysan u maran gaadiidka, waxaana loo ogyahay wadada gaadiidka ay saaran yihiin Askarta.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa Maanta joojisay dhammaan duulimaadyadii Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana Qoraal kasoo baxay hay’adda duulista Rayidka lagu sheegya in ilaa 06:00 PM uu xirnaan doono Garoonka.

Wadooyinkan ayaa loo xiray imaanshaha madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho, waxaana hadda socda qaban qaabada soo dhaweynata madaxweynaha.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa magaalada Muqdisho u imaanaya in uu xarigga ka jaro  dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA, xaruntan dhismaheeda waxaa horey u dhagax dhigay Madaxweyne Geelle.