WARARKA SOOMAALI

Waare “Wasiirka Gaashaandhigga Amaro uu bixiyay ayaa lagu laayay Askar badan”

By xuseen waashitoon

September 05, 2023

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare , haddana ah ergayga gaarka ee arrimaha xasilinta u qaabilsan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa eedeymo cul culus u jeediyay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wareysi uu bixiyay madaxweyne hore Waare ayuu uga hadlay arrimo dhowr ah ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, waxa uuna sheegay in dagaalkaasi fashilinayaan siyaasiyiin diidan in uu guuleesto Xasan Sheekh.

Waare ayaa ku eedeeyay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) in uu yahay ninka ugu weyn ee fashilinaya howlgalka la doonayo in kooxda Al Shabaab looga xureeyo Galmudug iyo Hirshabelle.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay wasiirka falal danbiyeedyo culus oo ay ka mid yihiin in ku lug lahaa weerarkii Galcad ee bilowgii sannadkan lagu diley ciidamo badan oo ka tirsanaa Danab, kuwaas oo uu ka mid yahay taliye kuxigeenkii ciidanka Danab Xasan Tuure.

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa sidoo kale ku eedeeyay wasiirka gaashaandhigga guuldaradii iyo khasaarihii ciidanka kasoo gaaray weerarkii Cowsweyne, waxa uuna tilmaamay ammaro khaldan uu wasiirku bixiyay ka dhasheen dhibaatooyin badan.

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa wareysiga uiu bixiyay sidoo kale sheegay in xubno badan oo kamid ah saaxiibada madaxweyne Xasan Sheekh xilalna ka haya dowladda in fashilinayaan siyaasadiisa la dagaallanka kooxda Al Shabaab.