WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Waan-waan laga dhex waday Galmudug iyo Ahlusunna oo fashilmay

By xuseen waashitoon

October 20, 2021

Waan-waan lagu doonayay in xal buuxa looga gaaro xiisada siyaasadeed ee u dhexeeysa Maamulka Galmudug iyo hoggaanka sare ee Ahlusunna Waljamaaca oo maalmihii lasoo dhaafay socotay ayaa la xaqiijiyay inay fashil kusoo dhammaatay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo oo Waan waanta waday oo ku jiraan Odayaasha Dhaqanka Galmudug & siyaasiyiin ayaa waxaa la sheegay in Ahlusunna ay markii hore ogolaadeen dhowr qodob oo kala ahaa.

1: Inay Ciidankooda ka saaraan degmada Guriceel.

2: Inay celiyaan Gaadiidkii ay dhawaan ku qabsadeen dagaalkii ka dhacay degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud.

3: In la soo celiyo Maamulka degmada Guriceel ee Galmudug, kuwaas oo magaalada ka maqan.

Xubno kamid ah dadka waan waanta waday ayaa sheegaya in Ahlusunna ay ka laabteen qodobadii ay ogolaayeen sababo la xiriira Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug ee lagu daad gureeyay degaannada u dhow degmada Guriceel, iyaga oo kalsooni xumo ka muujiyay amnigooda.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Guriceel ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad dagaal ay weli halkaasi ka taagan tahay, isla markaana Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay dhaq dhaqaaayo ka wadaan degaano u dhow degmada Guriceel.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKAÂ