Site icon HORUFADHI MEDIA |

Video:-Puntland oo ka hadashay Ciidamo maleeshiyaadkii dhawaan qabsaday Boosaaso.

Garoowe  ( HM) –Puntland ayaa markii u horraysay ka hadashay ciidamadii soo galay magaaladda Boosaso iyo Dagaalkii dhimashada iyo dhaawaca keenay ee ka dhacay Kontoroolka Magaaladda.

Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha iyo Faderaalka Maxamed Axmed Kulan ayaa  sheegay in Ciidamada soo galay magaalada ay ahaayeen ciidamo gadooday oo ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Puntland, islamarkaana la xaliyay tabashadoodii dibna loogu celiyay fariisamahoodii.

HALKAN  KA DHAGAYSO

Wasiirk Kulan, wuxuu beeniyay in sababta ciidamadu u soo galeen magaaladda Boosaaso ay la xidhiidhay inay taageerayeen Shirkadda PDG oo dowladda Imaraadku ay kala laabatay qandaraaskii adeeg siinta ciidamada badda Puntland ee PMPF.

13kii November ayaa Ciidamo iyo tikniko uu watay Ciise Yulux oo hore u ahaa hoggaamiye Burcad-badeed waxay weerar ku qaadeen ciidamo Booliis ah oo joogay Kontoroolka magaaladda Bosaso, weerarkaasi oo ay ku dhinteen Labo Askari, kadibna waxay xoog ku soo galeen Magaalada Bosaso.

Qaar ka mid ah isimadda Puntland oo kulan kula yeeshay Ciise Yulux xarunta PDG ee Boosaaso ayaa ku qanciyay in ciidamadiisa ka saaro magaaladda, dibna ugu celiyo magaaladda Carmo.

Madaxda dhaqanka ayaa ballanqaaday in wadahadal lagu dhamayn doono tabashada ganacsatada PDG ee laga qaaday qandaraaska.

Exit mobile version