WARARKA SOOMAALI

Daawo- Xaaladda Liidata ee dadkii XOoluhu ka Idlaadeen ee Xamarlagu Xidh & Dan Dan-VIDEO.

By A A K

May 31, 2017

Wafti Balaadhan oo Hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Buuhoodle iyo Xildhibaano Katirsan Golaha Deegaanka ayaa Maanta Safar uga Anba Baxay Deegaanada Dhinanaca Bari Kaga Beegan Magaalada Buuhoodle Gaar ahaan Deegaanada Banyaal Sarmaantuke Dan Dan iyo Xamar Lagu Xidh Halkaasi oo ay Degan Yihiin Qoysas Barakacyaal ah.

 

HALKANI KA DAAWO VEDIO

 

Waxgaradka Deegaanka Dan Dan ee Buuhoodle iyo Xamar Lagu Xidh Ayaana Fariin Guud u Diray Ha,yada Islamiga ah iyo Guud ahaan Dadka Muxsiniinta ah Waxayna ugu Baaqeen inay Ka Qayb Galaan Qaabkii Qoysaskaasi Danyarta ah Loo Caawin Lahaa Kuwaasi oo u Baahan Gar Gaar Deg Deg ah.

 

Dhagjar12@gmail.com

Buuhoodle