Site icon HORUFADHI MEDIA |

VEDIO” Cisbitaalka Kalkaal Buuhoodle oo lagusoo kordhiyay dhakhaatiir iyo adeegyo cusub si kor loogu qaado caafimaadka bulshada Buuhoodle.

Cisbitaalka Kalkaal Buuhoodle oo lagusoo kordhiyay dhakhaatiir iyo adeegyo cusub si kor loogu qaado caafimaadka bulshada Buuhoodle.

Cisbitaalka Guud ee Kalkaal (Kalkaal Hospitaal) waxaa la aasasay sanadkii 2014 bishii ocotober, cisbitaalka waxaa ku fekeray dhalinyaro dhaqaatiir iyo xirfadlayaal caafimaad iskugu jira oo kasoo jeeda deegaanka .

 

Cisbitaalka waxaa loo aasasay markii la arkay baahida bulshada Buuhoodle u qabto adeeg caafimaad oo tayo leh inkastba ha gaadhsiisnaadee.

 

HALKANI KA DAAWO VEDIO

 

Adeegyada Cisbitaalku qabto

  1. Daawaynta cuduradda dumarka iyo qaliinkooda (Ceserean Section)
  2. Daawaynta Cudurada Caruurta
  3. Daawaynta Cudurada Dhimirka
  4. Daawaynta cudurada indhaha iyo qaliimadooda
  5. Qaybta raajada
  6. Qaybta Ultrasound
  7. Qaybta shaybaadha (waxaa yaala dhamaan mashiinada shaybaar ee waqtigan ugu casrisan sida CBC, Chemistry iyo ELISA)
  8. Qaybta Bukaan jiifka (Ragga , Dumarka iyo caruurta)
  9. Qaybta qaliinka
  10. Qaybta Farmashiga
  11. Waxaa kaloo Cisbitaalka kuugu diyaara mashiinkii Oxygenta si loola tacaalo bukaanada culus ama naqasku ku dhego.

Cisbitaalku wuxuu ku bixiya bilaash adeegga qaliinka hooyada uurka leh si loo sahlo badbaadada ilmaha iyo hooyadaba iyadoon cidina ka caawin.

Wuxuu sidoo kale Cisbitaalka Kalkaal ugu bishaaraynayaa in qaabilada dhakhtarka cudurada caruurtu yahay bilaash iyadoo dhakhaatiirta kalena 40% hoos loo dhigay intii uu kaadhku ahaan jiray si loo sahlo bukaanada soo booqanaya dhakhaatiirta.

Hadaba Wuxuu cisbitaalku ku yaalaa kasoo horjeedka cisbitaalkii hore ee Buuhoodle ama Masjida Rowda

Kala Xidhiidh: 0633705568/4348391/4492912

 

Regards,

Mr.Mohamed Abdi Farah (Quddus)

Tell:00252634053429/659686699

Email:mcgudi@hotmail.com/inakhadra@gmail.com

 

 

Exit mobile version