WARARKA SOOMAALI

Ururka Midowga Diyaaradaha dalka oo doortay hoggaan Cusub.

By xuseen waashitoon

April 17, 2022

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka qabsoomay Shir ay yeesheen Ururka Midiwga Diyaaradaha ee ka hawlgala dalka, waxaana Shirkaas ka qaybgalay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Md. Duraan Axmed Faarax.

Shirkaan ayaa looga hadlay sidii meesha looga saari lahaa madmadow soo kala dhexgalay xubo kamid ah Ururka, waxaana ugu dambayn lagu doortay Gudoomiye iyo kuxigeen KMG mudo Halsano ah iyadoona loo kala doortay Gudoomiye Xasan Xaashi iyo Gudoomiye ku xigeen Axmed Diini.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda oo ay Weheliyaan Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah, Maareeye kuxigeenka Garoonka Aden Cabdulle iyo saraakiil kale ayaa goob joog u ahaa madasha, waxaan wasiirka Gaadiidka iyo Duukista Hawadda Duran Farah uu boggaadiyay Is afgaradka ay gaareen xubnaha Ururka Midowga Diyaaradaha laguna doortay hoggaanka cusub isagoona Hambalyo u diray.

Waxaa uu sheegay in wax badan ay ka tarayso shaqooyinka ay dadka Soomaaliyeed u hayaan in Hoggaan loo Sameeyo Daladda.