WARARKA SOOMAALI

Ururka Iskaashiga Islaamka oo War kulul kasoo saaray weerarkii Hotel Xayaat

By xuseen waashitoon

August 23, 2022

Ururka Iskaashiga Islaamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Jeddah iyo Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac badan.

Xoghayaha Guud ee Ururka OIC Hussein Brahim Taha oo War qoraal ah soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay inay ka xun yihiin weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka Xayaat oo lagu dilay dad farabadan oo isugu jiray siyaasiyiin, shacab ah iyo Askar Ciidanka.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa tilmaamay in weerarkii dhacay uu ahaa mid fool xun, waxaana ay sheegeen inay garab taagan yihiin qoysaska, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu ku celiyay mowqifka mabda’a ah ee OIC ee ka dhanka ah argagixisanimada nooc kasta iyo muuqaalkeeda.

In ka badan 25 qof ayaa ku dhintay weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka Xayaat, halka 107 ruux ay ku dhaawacmeen, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka, Al-shabaab ayaa hotelka ka dhex dagaalameysay 30 saacadood oo xiriir ah.