WARARKA SOOMAALI

UK oo War kasoo saartay Qarax khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Magaalada Liverpool

By xuseen waashitoon

November 15, 2021

Qarax ka dhacay bannaanka Isbitaalka Haweenka ee Liverpool maalintii Axadda ayaa boolisku waxay ku dhawaaqeen inuu ahaa fal argagaxiso ah.

Gaari taksi ah ayaa ku qarxay banaanka isbitaalka, waxaana halkaas ku dhintay rakaabkii gaariga saarnaa, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay darawalkii gaariga waday.

Afar nin ayaa lagu xiray magaaladaas, kuwaasoo lala xiriirinayo falkii Axaddii dhacay. Rakaab tagsiga raacay ayaa lagu tuhunsantahay inuu sameeyay “walxaha qarxa” kaas oo sababay qaraxa, ayuu yiri Madaxa La-dagaalanka Argagaxisada ee Waqooyi Galbeed Russ Jackson.

Waxa uu warbaahinta u sheegay in uu fahamsan yahay in dareewalka Delta Taksi uu qof rakaab ah ka soo qaaday waddada Rutland Avenue, oo u dhow Sefton Park, Axaddii. waxa uuna codsaday in la geeyo Isbitaalka Haweenka Liverpool, kaas oo u jiray ilaa 10 daqiiqo,” ayuu yiri ACC Jackson.