HORUFADHI MEDIA |

Uhuru Kenyatta oo qorshe halis ah la damacsan Soomaaliya markii looga adkaaday dacwadda badda.

Nairobi (HM) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qaba walaac badan oo ku saabsan in looga adkaado kiiska dacwadda badda ay Soomaaliya leedahay oo ay muranka galiyeen, waxaana lasoo sheegayaa inuu ku hawlan yahay qaab walba uu kaga hor imaan lahaa go’aan walba oo u janjeera dhinaca Soomaaliya.

Wargeyska African Intelligence ayaa daabacay in Kenyatta uu mudooyinkii ugu dambeeyay aad ugu mashquulay qaab walba, oo uu kaga hor-iman karo go’aan ay maxkamadda cadaaladda adduunka ka gaarto badda Soomaaliya.

Sooomaaliya ayaa sanadkii 2014 billowday Dacwadda Badda ee ilaa iyo hadda la iska daba jiitamaayo, waxaana la isku heystaa dhulka saliidda hodanka ku ah ee u dhaw xadka labada dal ee dhanka badda, balse ka tirsan Soomaaliya.

Xukuumadda hadda talada heysa ee uu hoggamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa dhaliil badan kala kulantay, waxeyna u muuqdaan kuwa aad uga gaabiyay iney xoogga saaraan kiiska yaalla maxkamadda sidii loo dar-dar galin lahaa, taasina waxey keentay in saddex jeer dib loo dhigo taaso Keny aragtay guul iyo seeta dheeraysi ay uga sii fikirto tallaabooyin kale.

8-da bishaan Juun ayaa lagu balansanaa in la dhageysto dacwada, balse hadda waxaa dib loo dhigay 9 bilood taasoo ku beegan isku soo laabashada 15-ka Maarso 2021

Inkastoo loo arkay marmarsiyo raqiis ah, hadana dib u dhigista dambe waxaa loo cuskaday faafitaanka xanuunka dunida saameeyay ee COVID19.

Wargeyska African Intelligence ayaa aaminsan in arintaas ay ku timid ololaha badan uu sameeyay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ka walwalsan in looga adkaado muranka ay galiyeen badda ay leedahay Soomaaliya.

In Kenyatta uu sanadkii 2019 u yeero qareenka guud ee Kenya Kennedy Nyabuti Ogeto ayaa caddeyn ugu filan qof walba sida uu kaga walaacsan yahay kiiska, wuxuuna qareenka ku guuleystay inuu dib u dhigo maxkamadda si Kenya ay mar kale isku diyaariso.

HALKAN KA DAAWO

Wargeyska wuxuu kashifayaa in Kenyatta uusan kalsooni ku qabin guusha kiiskaan, taas badalkeedana uu raadinayo wada xaajood uu la galo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Uhuru wuxuu aaminsan yahay in Kenya ay lumin doonto dhaqaale xad dhaaf ah hadii kiiska looga guuleysto, wuxuuna isku dayi doonaa wax walba uu guusha ku heli karo, sida la fahamsan yahay wuxuu isku dayi doonaa inuu cadaadis badan saaro kumanaanka qaxootiga ku ah dalkiisa ee u dhashay Soomaaliya.

Intaas kaliya ma doonayo inuu ku ekaado, Kenyatta wuxuu isku dayi doonaa inuu ciidamada AMISOM kaga jira kala baxo si uu fursad u siiyo kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida kuwaas dagaal ba’an kula jira dowladda Soomaaliya.

Horufadhi News

Sawir hore: Mohamed Abdilahi Farmajo & Uhuru Kenyatta.
Exit mobile version