WARARKA SOOMAALI

Turkiga oo War kulul kasoo saaray Qaraxii duleedka Muqdisho ee lagu dilay…

By Xuseen Post

January 02, 2021

Dowladda Turkiga ayaa si kulul uga hadashay Qarax is-miidaamin ah oo barqdii Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Lafoole, kaasi oo jugtiisa inta badan laga maqlay xaafadaha ku teedka duuleedka Magaalada.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu Cambaareeyay Qaraxaas is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda iyo Shaqaale ka tirsan Turkiga oo ku sugnaa goobta.

Turkiga ayaa xaqiijiyay in hal Muwaadin uu qaraxaas uga geeriyooday, halka afar kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo kamid ahaa Injineero dhisayay wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay garab taagan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay sii wadayaan howlaha horumarineed ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Lafoole, iyagoona sheegayn inay ku dileen Sarkaal ka tirsan Turkiga.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ku aadan qaraxii ka dhacaay deegaanka Lafoole, mana ah markii ugu horreeyay oo qarax Is-miidaamin ah uu ka dhacdo wadada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Afgooye.