WARARKA SOOMAALI

Turkiga oo War kasoo saartay weerarkii Al-shabaab ee Luul Yemeni

By Xuseen Post

March 06, 2021

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa lagu cambeereeyay weerarkii Al-Shabaab ka fuliyeen maqaayad dad badan ay isugu yimaadaan oo ku dhow Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan si xooggan u cambaareyneynaa weerarka argagixiso, waxaana uga tacsiyeyneynaa walaalaheena Soomaaliyeed iyo Dowladooda intaba, kuwii ku naf waayay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawac ahna Alle ha u boogo dhayo,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa ku celisay in ay sii wadeyso taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Taliska Booliska ayaa sheegay in 10-Qof ay geeriyootay weerarka maqaayadda Luul Yemeni, halka sodomeeyo kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo qaar ka mid ah goobaha caafimaadka eek u yaalo Muqdisho.

Al-shabaab oo warar ku faafiyay baraha Internet-ka ku leeyihiin ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoona sheegtay inay bartilmaameedsadeen Saraakiil ciidan oo isugu imaatin lahaa.