WARARKA SOOMAALI

Turkiga oo ka hadlay Qaraxyo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Sh/Hoose

By xuseen waashitoon

July 28, 2022

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay Qaraxyo shalay oo arbaco aheyd ka kala dhacay degmada Afgooye iyo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii ka dhacay Afgooye iyo Marka oo lagu dilay Guddoomiyihii degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow iyo dad kale.

Turkiga ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkii ku dhintay qaraxyadii dhacay, iyagoona Caafimaad u rajeeyay dadka kalena ee waxyeelada soo gaaray oo xaaladdooda Caafimaad la dabiibayo.

Qarax is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarxa ah ayaa isku qarxiyey Guddoomiyihii Magaalada Marka Cabdullaahi Axmed Cali Waafow iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo la joogay, xilli ay ku sugnaayeen bannaanka hore ee Xarunta degmadaas.

Qaraxyadii shalay ka kala dhacay degmada Afgooye iyo Marka ayaa waxaa ku dhintay dad tirradoodu gaareyso 18 qof oo isugu jiray  Askar iyo shacab, Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Marka Cabdullaahi