WARARKA SOOMAALI

Turkiga oo ka carooday tallaabo uu qaaday Wasiir ka tirsan Dowladda Somalia

By xuseen waashitoon

July 23, 2023

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dowladda Turkiga ka carootay hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ee ahaa in Turkiga ka codsadeen in la bedelo Agaasimaha Caafimaadka Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya  Cali Cumar Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Turkiga ka xumaatay hadalkii Wasiirka Caafimaadka dowladda ee ku xusay in Agaasimaha Isbitaalka Digfeer ay si qabteen shaqaalaha, loona baahan yahay in la bedelo.

Cali Balcad ayaa tilmaamay in Turkiga uu doonayay in arrintaan si hoose loo xaliyo oo la bedelo Agaasimaha, iyadoo aan warbaahinta laga sheegin, wuxuuna intaas kusii daray in xiisadda arrintaas ka dhalatay aan weli la xalin.

“Turkiga ayaa la cawday in wasiirka Caafimaadka Soomaaliya uu warbaahinta ka sheegay in Agaasimihii isbitaalka Digfeer oo ah nin Turki ah la eryey, waxaan ku howlanahay xalinta arintaasna,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Wasiirka ayaa sheegay in isbitaalka Digfeer uu leeyahay agaasimeyaal Turki ah iyo ku xigeeno Soomaali ah, kuwaasoo uu soo dhex galay khilaaf maamul iyo is faham la’aan laga baqay iney curyaamiso adeegyada Isbitaalka.