Wararka aan ka heleyno deegaanka masaajid Cali Guduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay illaa Maanta ay duqeymo diyaaradeed ka wadaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Turkiga.
Jugta gantaalo ku dhacaya gudaha deegaanka Cali Guduud ayaa la maqlayaa, waxaana halkaasi saldhigyo ku leh dagaalamayaasha Al-shabaab oo muddo sanno ah joogay, kuwaasi oo aan weli deegaanka laga qabsan.
Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee macwiisleyda ayaa ku sugan bannaanka Cali Guduud, isla markaana waxaa socda dhaq-dhaqaaqyo lagu doonayo in Al-shabaab loogala wareego degaanka.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta Turkiga ka wado Cali Guduud, maalmo kahor Ciidanka dowladda ayaa mar u dhawaaday inay qabsadaan, balse Al-shabaab ayaa dagaal culus kala horyimid, iyagoo dib uga soo laabtay.