Site icon HORUFADHI MEDIA |

TOOS U DAAWO:Munaasibada Sanad Guurada Ciidamada Xoogga Dalka Khudbadaha Madaxda iyo Wasiir Bayle Fanka-Video

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo xiran dareyska ciidanka Milateriga ayaa ka qeyb galaya munaasabada 12-ka April ee sanad guuradii 57aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

 

Munaasabada oo ka socota Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Ra’iisul wasaare kuxigeenka, Wasiiro, xildhibaano, Taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiisha.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo labadaba xiran dharka ciidanka ayaa lagu wadaa inay ka jeediyaan khudbado ay uga hadlayaan munaasabada maalinta ciidanka xoogga dalka.

HALKAN TOOS UGA DAAWO

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyin badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana ku sugan ciidamo iyo gaadiidka dagaalka.

Telefishinka dowladda ee SNTV ayaa si toos ah u tabinaya Munaasabada oo xilligan ka socota Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Munaasabada maalinta ciidanka xoogga dalka ee 12-ka April ayaa noqoneysa tii u horeysay ee munaasabadaha ciidanka ee uu ka qeyb galo Madaxweyne Farmaajo.

Exit mobile version