WARARKA SOOMAALI

Tirada dhimashada Qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho oo sii korortay

By xuseen waashitoon

October 31, 2022

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii maalin kahor ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo geystay khasaaro lixaad leh oo isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Sarkaal magaciisa diiday in la adeegsado ayaa VOA-da u sheegay in tirada dhimashada ee haatan dawladda Soomaaliya ururisay ay tahay 119 dhimasho ah, 10 qof oo la la’yahay in 324 qof oo dhaawac ah.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalada magaalada, isla markaana waxaa socda gurmadyo xooggan oo loo sameynayo dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadii ka dhacay isgoyska Soobe ee Muqdisho.

Saraakiisha amniga ee dawladda ayaa aamisan in qaraxa ay gaysteen gaadiid uu waday qof Is-miidaamiyey, iyo mooto la dhigay isgoyska agteeda, waxaana qaraxyadu dhaceen xilli wadada ay mashquul aheyd.

Tiradan ayaa ka dhigaysa weerarkii Sabtida kan labaad ee gaystay dhimashada ugu badan Soomaaliya. Weerarka ugu dhimashada badnaa ayaa ahaa weerarkii October 14-keedii 2017-ka ka dhacay isgoyska Zoobe.