Coronavirus cell disease. Coronavirus flu background. Dangerous cases of flu. Medical health risk. Vector illustration.

WARARKA SOOMAALI

Tirada dadka Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Somalia oo korortay

By Xuseen Post

August 26, 2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay kiisas Cusub oo ku aaddan Caabuqa COVID-19, waxaana gudaha dalka ugu geeriyooday caabuqa dad hor leh.

Warbixinta Maalinlaha ah ee wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in dad hor leh laga helay cudurka, iyadoo ay jiraan kiisas dhimasho ah iyo sidoo kale dad cusub oo Cusbitaalada la dhigay, kuwaasi oo Caabuqa laga helay.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in 48dii saac ee lasoo dhaafay guuda haan dalka laga baaray 2,425 ruux, waxaana xanuunka laga helay 124 ruux. Kiisaska la xariira Caabuqa ayaa waxaa laga kala helay degaanada Dowlad Goboleedyada iyo Gobolkani Banaadir.

Puntland: 54

Banadir: 50

Somaliland: 14

Galmudug: 5

Koonfur Galbeed:

Lab: 64

Dhedig: 60

Bogsashada: 71

Dhimasho: 11