WARARKA SOOMAALI

Tirada Al-shabaab looga laayay dagaalkii Shabeellaha Dhexe oo la shaaciyay

By Xuseen Post

June 04, 2021

Afhayeenka Ciidanka Xoogga dalka Kornayl Cali Xaashi ayaa wareysi uu siiyay Radio Muqdisho ayaa faah faahin dheeraad ah uga bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaal Culus oo gelinkii dambe ee shalay dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab.

Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka oo markii hore ka bilowday weerar ay qaadeen Ciidanka dowladda looga dilay maleeshiyaaka Al-shabaab in ka badan 70 xubnood, isla markaana ay Ciidamada ka soo hooyeen guulo la taaban karo.

Korneyl Xaashi ayaa caddeeyay in Ciidamada xoogga ay Jab xoog leh gaarsiiyeen firxadka Argagixisada Shabaab oo dagaal adeg lagula galay deegaanka War-ciise ee hoostega degmada Raaga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

“Ciidamada waxa ay ka dagaalameen aagag fara badan, jab xoogleh ayaana u geysanay argagixisada Al-Shabaab, dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay Warta Jilaable oo hadda noqotay meel dhiigooda uu qariyay biyaha Warta” ayuu yiri Kornayl Cali Xaashi.

Afhayeenka Ciidanka ayaa xusay in dhagarqabayaashu markii laga soo xoreeyay tuulooyin dhowr ah ay bilaabeen inay Warta Jilaable gabaad ka dhigteen, halkaasna maanta jab xoogan loogu geystay, isagoo intaa ku daray in ciidamada ay si buuxda gacanta ugu hayaan goobihii lagu dagaalamay.

Kornayl Cali Xaashi ayaa sheegay inay Warbaahinta la soo wadaagi doonaan qasaaraha dhabta ah ee ay ciidamada u geysteen Al-Shabaab, maadama ay ciidamadu ku howlanyihiin howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Dagaalkii ka dhacay War-ciise oo geystay khasaaro lixaad leh ayaa waxaa lagu dilay Taliyihii Ururka 6-aad ee Gor-gor Maxamed Cabdiwaaxid Faarax iyo Saraakiil kale oo dagaalka la galay Al-shabaab, waxaana weli soca Gobolka ka socda howlgal Culus.