Site icon HORUFADHI MEDIA |

Taliyihii Ciidamadda Daraawiishta Puntland oo iscasiley iyo Deni oo diidan Dagaalka Soomaliland..

Garoowe ( HM) Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen: Cabdi Shugri Cabdulaahi Xuseen ayaa Warqad Iscasilaad ah u gudbiyey Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni inkasta oo aan la ogayn in uu la aqbalay inkale .

Ilo xogagaal ah ayaa ii xaqiijiyey in is casilaada Taliyaha ay sababtay ka dib markii madaxwayne Deni ay isku fahmiwaayeen sidii Puntland uga falcelin lahayd dhaqdhaaqyada Soomaliland taasi oo taliyuhu doonayey in tilaabo lagaga jawaabayo la qaado balse Madaxtoyadu arintaasi ka gaabsatay.

Madaxwaynaha puntland oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Tallaabo ka qaadin doonaan Somaliland, oo Fadhiisimo Ciidan ka samaysatay Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag.

DENI ayaa lagu Xasuustaa Xiligii Doorashada Inuu C.wali Gaas ku eedeeyay “Laascaanood Faataxo laguma qabsan ayaad tidhi, Hadan Tukaraq ayaad ku bixisay Inaa-Acdayn ” Balse hada ayaa dadka Qaar isagana sheegeen inuu YUBBE ku dhiibay Wal-casri”.

 

Exit mobile version