WARARKA SOOMAALI

Taliyeyaasha Booliska Soomaaliya iyo Rwanda oo ka wada hadlay Arrimo

By xuseen waashitoon

July 12, 2022

Taliyaha Ciidanka Boliiska Rwanda S/Gaas, Dan Munyuza, ayaa ku qaabilay xaruntaTaliska Booliska Rwanda, ee Kigali Dhiggiisa Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Taliyaha Boliiska Rwanda S/Gaas, Dan Munyuza ayaa u muujiyay  dhiggiisa Soomaaliya sida ay uga go’an tahay in ay sii horumariyaan wadashaqeynta labada hay’adood ee fulinta sharciga iyada oo loo marayo dhisidda awoodda iyo isdhaafsiga khibradaha labada dal.

Labada talis ayaa kala saxiixday heshiis dhanka tababarada Saraakiisha Sare sanadkii 2011-kii, wixii xilligaasi ka dambeeyay waxaa Rwanda tababar loogu soo xiray 11 Sarkaal oo katirsan Boliiska Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay ku jiraan 6 Saraakiil sare, oo ka qeyb galay koorsada Hoggaaminta & Abaanduul Sare ee Waxbarashada Heerka 2-aad ee Jaamacadda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas, Cabdi Xasan Maxamed (Xijar) ayaa dhankiisa qiray in Dowladda Rwanda ay Booliska Soomaaliyeed ka taageerayso horumarinta amniga, nabad-dhisidda iyo sareynta sharciga.