WARARKA SOOMAALI

Taliye Ciidan ka tirsan Puntland oo si kedis ah lagu dilay iyo faah faahin la helay

By xuseen waashitoon

June 15, 2022

Wararka aan ka heleyno Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas xili dambe lagu dilay Taliyihii Saldhiga Booliska Magaaladaas oo lagu magacaabi jiray Cumar Hiiraad Kaatuun.

Kooxo hubeysan oo isticmaalay waxyaabaha maandooriyaha ayaa weerar ku qaaday Taliye Cumar Hiiraad, xili uu howlgal ku jiray, iyagoona rasaas ku furay, taasi oo keentay markii dambe u geeriyoodo Taliyihii Saldhiga Booliska Qardho.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in durbo goobta ay ka baxsadeen raggii hubeysnaa ee oo xiligaas la sheegay inay soo isticmaaleen maandooriyaha loo yaqaano Khamriga, kuwaasi oo la tilmaamay inay si kedis ah u weerareen Taliyaha oo howlgal ku jiray.

Laamaha ammaanka Booliska Qardho ayaa wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayaan in xaafaddaha kala duwan ee Magaaldaas ay ka wadaan howlgalo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka khaarijinta ahaa ee xalay ka dhacay halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ammaanka Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland oo ay uga hadlayaan dilkaas xalay loo geystay Cumar Hiiraad Kaatuun oo ahaa Taliyihii Booliska Magaaladaas.