WARARKA SOOMAALI

Taliska NISA oo shaaciyay inay xubno badan ka dileen Ururka Al-Shabaab

By xuseen waashitoon

April 22, 2023

Ciidamada sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa deegaannada Ugunji iyo Mubaarak ee gobalka Shabeellaha Hoose ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Taliska NISA oo Qoraal soo saaray ayaa waxa ay ku sheegeen in howlgalka lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo isugu jiray saraakiil iyo dagaalamayaal, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.

20-kii bishaan ayaa Shabaabka howlgalkan lagu beegsaday waxa ay isku abaabulayeen dhul hawd ah, sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaana iyaga oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ka hortagay.

“Marka laga yimaado maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee la laayay waxaa kale oo jira maleeshiyaad kale oo baxsad ah kuwaasi oo lagu daba jiro” ayaa lagu yiri Qoraalka uu soo saaray Taliska hay’adda Nabadsugida NISA.

Ciidamada xoogga dalka ayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada ka wada howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ku doonayaan inay dalka uga xorreeyaan Shabaabka.