WARARKA SOOMAALI

Taliska Booliska oo Amaro culus kasoo saaray Xarun Musuq baahsan uu ka jiray

By xuseen waashitoon

February 14, 2023

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kormeer shaqo ku tagay hoggaanka baarista dembiyada ee CID-da, halkaas oo loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dudaha iyo dibadda Dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray dhammaan Qeybaha iyo waaxaha ay ka koobantahay CID-da, isaga oo cabashadooda dhageystay muwaadiinta Soomaaliyeed ee adeega sugayay, iyada oo laga duulayo cabashada dadweynaha ayuu Taliyuhu soo saaray amarrada soo socda;-

1- Waxaa la mamnuucay qof udhaxeeya adeeg-bixiyaha iyo muwaadinka loo adeegayo.

2- Waxaa meesha laga saaray in muwaadiniintu ay adeeg sugaan waqti dheeraad ah oo laga maarmikaro, isla markaana, adeega loogu qabto saacado gudahood.

3- Waxaa si faahfaansan loola wadaagidoona Bulshada habsami usocodka adeegan.

Ugu dambeyn, waxaa uu Taliyuhu uga mahadceliyay muwaadiniinta cabashadooda la wadaagay, isaga oo u ballanqaaday in uu kormeer iyo korjoogteyn joogto ah ku samayn doono Xarumaha Booliska ee bixiya adeegyada dadweynaha.

Xarunta hay’adda dembi baarista ee CID-da ayaa ah xarun ay dhibaato xooggan kala kulmaan dadka shacabka ah ee doonaya inay adeegyada kala duwan sida safarada u doonta xarunta, waxaana halkaas ka jira musuq-maasuq baahsan.