HORUFADHI MEDIA |

Soomaliland wafti culus oo ka socda Midowga Yurub ayaa gaadhay Hargeysa-Sawiro

Hargeisa ( HM ) Weftigan oo ka socda Midowga Yurub iyo UK oo ay ku Jiraan Safiirada dalalkaasi   ayaa soo gaadhey maanta magaalada Hargeysa,  Waxaana ujeedka weftiga ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii Somaliland ay ugala hadli lahaayeen dib u dhaca doorashooyinka baarlamaanka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa magaalada Hargeisa Maanta kula kulmay Toddoba ka mid ah safiirrada Yurub u qaabilsan dalka Soomaaliya iyo xubno la socday.

Kulanku intuu socday  Waxaa laga hadlay arrimo la xidhiidha doorashooyinka baarlamaanka ee lixda jeer dib u dhacay iyo arrimo kale.

Exit mobile version