Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Soomaliland oo talaabooyin hor leh qaaday xili kiisas cudurka ah maanta laga helay-Video

Hargeysa (HM) – Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa maanta shaacisay in deegaanadeeda laga helay dad hor leh oo qaba cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus ama Covid-19.

Somaliland ayaa xaqiijisay in maanta laga helay saddex qof cudurkaasi, kuwaasi oo ku kala nool magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

Xukuumada ayaa sheegtay in labo kiis ay yihiin caasimada magaalada Hargeysa, halka midka kalena uu yahay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Tirada kiisaska cudurkaasi ee Somaliland ayaa noqoneysa 5-Kiis, xilli tirada guud ee dalkuna ay noqoneysa 28-Kiis, midaasi oo cadeyn u ah xawliga uu gudaha dalka ugu dhex faafayo cudurkaasi.

Somaliland ayaa muddooyinkii dambe aad looga cabsi qabay in cudurku si weyn u dhex-qaado, maadama hore looga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco, oo ay xukuumaduna ay soo saarin awaamiir adag oo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa dadka.

Cudurka Coronavirus ayaa u muuqda mid halistiisu ay ka taagan tahay gudaha Soomaaliya, xili ay magaalada Muqdisho ugu geeriyoodeen Labo ruux, oo midkood ahaa Mas’uul ka tirsan maamulka Hir-Shabelle.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale Somaliland ayaa soo saartay go’aan gebi ahaanba lagu joojinayo in Salaadaha lagu tukado Masaajidda muddo afar todobaad ah, iyada oo dhowaan ay ka hor-yimaadeen qorshe noocan ah Culimada Somaliland, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in muddo afar todobaad ah ay sii xidhnaan doonaan goobaha waxbarashada, si uusan bulshada ugu sii dhex faafin cudurka Coronavirus.

Waxa kale oo ay xukuumada Biixi ku amartay Dadka Ajaanibta ah ee deegaanadeeda ku jooga bilaa sharciga inay iskaga baxaan muddo shan maalmood gudahooda.

Exit mobile version