WARARKA SOOMAALI

Soomaliland oo qaaday tallaabo ka dhan ah dadka ka yimaada Koonfurta Soomaaliya-Akhriso

By Abdi rashid

October 20, 2020

Laascaanood  ( HM )Maamulka gooni ugoosadka ah ee Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa dhaqan geliyey tallaabo ka dhan ah dadka Koonfurta Soomaaliya kasoo safra ee yimaada deegaanada Somaliland.

Waxaa gebi ahaanba la  joojiyey in dad ka yimaada Koonfurta Soomaaliya ama ka socda ay ka qeyb galaan siminaarada iyo kulamada muhiimka ah ee ka dhaca magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba Somaliland.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa sidaasi ku sheegtay waraaq qoraal ah oo ay u kala dirtay Hay’adaha kala duwan ee ka howl-gala Somaliland, midaasi oo gebi ahaanba laga qariyay warbaahinta.

Sidoo kale waxa waraaqdaasi la gaarsiiyey ururrada bulshada rayidka ah ee laga leeyahay Somaliland, taasi oo looga mamnuucay in shirarka iyo siminaaradooda aysan soo xaadiri karin dad ka socda Soomaaliya.

Xukuumada ayaa waraaqdaasi gaadhsiisay hay’adaha muddo ku siman labo bil ka hor, taasi oo ay hadda u muuqata mid si dhab ah uga dhaqan-gashay gudaha Somalialnd.

Somaliland ayaa tallaabo sharci ah ka qaadi doonta hadda kadib, hay’addaha qabanaya siminaarada ay ka qeybta yihiin dadka ka yimid Koonfurta Soomaaliya, iyada oo aan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysa arrinkaasi.

Xukuumada Somaliland ayaa iyadu inta badan qaada tallaabooyin kala duwan , maadama ay ku doodeyso inay tahay dal ka madax banaan jamhuuriyada Soomaaliya, inkasta oo aysan weli helin aqoonsi caalami ah.

Xigasho: Kalshaale.