HORUFADHI MEDIA |

Soomaliland oo ku fiday Gobolka Sanaag iyo Ciidamo Saldhig cusub ka furtay duleedka-Sawiro

Ceerigaabo ( HM ) –Somaliland ayaa shaacisay in ay saldhig ciidan ka furatay deegaanka Baraagaha-qol ee koonfurta gobolka Sanaag, kana xigta magaalada Dhahar, Koonfur Barri una jirta qiyaas ahaan 35KM, Halka ay deegaanka Xiingalool u jirto 40KM wax ka yar,  Waxayna sidoo kale sheegtay Somaliland inay ciidamo ka qoronayso deegaanka.

Sareeye Guuto Muuse Jaamac Dalaf oo maalmihii u dambeeyey kusugnaa magaalada Dhahar iyo deegaanada ku dhaw dhaw ayaa maanta ka sheegay furitaankan saldhigan in ay noqon doono midka ugu weyn ee Somaliland ay ku leedahay Gobolka Sanaag.

Muuse  Delef oo maamulka Somaliland ugu magacaaban Somaliland taliyaha ciidamada qeybta gobalka Sanaag, ayaa lawareegay ciidamo kusugnaa magaalada Dhahar , Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidan dheeraad ah kasoo kicitimay Yube oo katirsan Sanaag ayna kusoo wajahan yihiin magaalada Dhahar.

Ciidamada maamulka Somaliland ayuu sheegay inay Qabsadeen magaaladan oo masaafo kayar 50KM ujirta magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Puntland, oo Horay deegaano ka tirsan gobolka sanaag ay dagaalo ugu dhexmareen  ciidamada Somaliland.

Horufadhi News

Exit mobile version