HORUFADHI MEDIA |

Akhriso:-Soomaliland oo joojisay Muxaadiradii Sh. Maxamed Idiris.

Laascaanod  ( HM) Warar xog-ogaal ahi waxa sheegayaan in Sheikh Maxamed Idiris loo diiday in uu kulan ku qabto maanta oo Axad ah magaalada Hargeysa, waxaana amarkan bixiyey wasaaradda Awqaafta sida ilo xog-ogaal ay sheegeen.

Shiikh Maxamed Idiris todobaadyadii ugu danbeeyey aad ayuu kulamo ugu qabanayey magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Boorame.

Arrinta ugu muhiimsan ee la tilmaamayo ayaa waxay tahay in Sh. Idiris Soomaalinnimada u ololeeyo, Sh. Idiris ma qarsado aragtidiisa Soomaalinnimo sidaas oo ay tahay ayuu ”Somaliland” u muujin jiray qadarin gooniya oo weedho badan oo aanay wadaado kale ku dhiiran u odhan jiray, sidaas oo ay tahay waxay ahayd in Shiikhu markii uu yimiba Hargeysa la siiyo digniin loogu sheegayo in uu dhaqdhaqaaqa yareeyo.

Haddase kulankii ugu danbeeyey ayaa maamulku joojiyey, kulamada uu ku qabtay Hargeysa waxaa la odhan karaa waxay ahaayeen kuwii ugu balaadhnaa, dugsiyada oo dhan ayuu booqday oo looga yeedhayey.

Sh Idiris waa wadaadada aad u adeegsada baraha bulshada caan ayuu ka noqday taas ayaa keenaysa in dadku xiiseeyaan in ay arkaan, waxaana laga yaabaa in uu wadaado badan oo Hargeysa ku nool uu ka shacbiyad badan yahay.

Exit mobile version