WARARKA SOOMAALI

Soomaliland Muuse Biixi oo codsi la xidhiidha Dowladda Federaalka u diray Uhuru Kenyatta-Akhriso

By Abdi rashid

July 04, 2020

Hargeysa (HM) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dowladda Kenya fariin ku saabsan wada hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ugu dhiibay wafdigii Kenya ka socday ee maalmahaan ku sugnaa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Wafdigaasi oo isugu jiray xildhibaano, siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa kulan ay la qaateen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo sharaxaad ka siiyay arrimaha siyaasadeed ee gobolka, caqabadaha hortaagan horusocod la’aanta aqoonsi ay helaan iyo shirkii magaalada Jabuuti ee lagu dhex dhexaadinayay Dowladda federaalka Sooamaliya iyo maamulka Somaliland.

Muuse Biixi ayaa xubnihii ka socday Kenya wuxuu fariin ugu dhiibay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo wafdiga u sheegay in Kenya ay door firfircoon ka qaadan karto wada-hadallada socda maadaama buu yidhi ay ka mid tahay dalalka IGAD.

Arrintaan ayaa haddii uu aqbalo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ay caqabad ku noqon doontaa wada-hadalka socda iyo in labada dhinac isku soo dhawaadaan, maadaama uu xun yahay xiriirka dowladda federaalka iyo Kenya.

Horufadhi News