HORUFADHI MEDIA |

Soomaliland:-Maxamuud Xaashi oo afka furtay markii Muuse Biixi ka xidhay albaabada Kulmiye-Video

Hargeysa (HM)-Iyadoo maalmihii u dambeeyay xiisad culus ka taagneyd Soomaliland gaar ahaan Xisbiga Talada Maamulka Soomaliland haye ee Kulmiye ayaa waxaa cirka isku sii shareeraysa marba marka ka dambeysa Xiisada siyaasadeed ee Xisbigaasi ka dhex taagan iyadoo u muuqato inuu Muuse Biixi albaabada ka xidhay siyaasiyiintii ugu waa weynaa Xisbigaasi markay noqoto Hoggaankiisa.

Siyaasiga Qabyotire ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta waa weyn ee Xisbiga talada maamulka Soomaliland haya ee Kulmiye isaga oo si gaara uga mid ahaa xubnihii ay aadka iskugu dhawaayeen Muuse Biixi xiligii Doorashada Muuse Biixi isla markaana kamid ahaa siyaasiyiinta soo saaray Muuse Biixi ayaa sheegay in Muuse ka abaal ka dhacay isla markaana laga xidhay albaabada Xisbiga Kulmiye.

HALKAN KA DAAWO VIDEO QABYO

Isaga oo shantii Bishan lacagtii uu isku diiwaangalin lahaa Musharaxnimada Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye la taagan Xafiiska Xisbiga ee Hargeysa ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay in la diiday in laga qabto lacagta isla markaana laga furi waayey albaabka.

Dhanka kale waxaa maanta Hargeysa Shir ku qabtay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maamulka Soomaliland Maxamuud Xaashi, ee Xukuumaddii Siilaanyo waa ninkii ku caan baxay u dilaaleynta Gobolada SSC iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda.

Maxamuud Xaashi oo maanta shir jaraa’id qabtay wuxuu weerar ku qaaday Muuse Biixi oo uu sheegay inuu afduub ku haysto Xisbigii Kulmiye wuxuuna sheegay inuusan ka qayb galeyn shir weynaha Xisbiga oo dhawaan dhici lahaa isla markaana lagu dooran lahaa Hoggaanka sare.

Wuxuu sheegay in uusan ka da’furin hankiisa siyaasadeed hase ahaatee aysan muuqan maalin ay ka fool xun tahay siyaasadda Xisbiga Kulmiye maanta isagoo sheegay inuu Muuse Biixi jihadii Xisbiga meel kale la aaday.

HALKAN KA DAAWO MAXAMUUD XAASHI

Maxamuud Xaashi ayaa kamid ah Siyaasiyiinta ugu waa weyn ee Xisbiga Kulmiye isagoo mudo badana kusoo jiray soona noqday Wasiirkii Madaxtooyada Soomaliland kana mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn ugu olaleeyay in uu Muuse Biixi badelo Siilaanyo.

Xisbiga Kulmiye ayaa hada u muuqda mid lagu kala yaacay iyadoo Muuse Biixina uusan wax jawaab ah siineyn siyaasiyiinta ka cabanaya siyaasada Xisbiga oo la aamisan yahay inuu Muuse Biixi midada daabkeeda hayo marka ay noqoto jaan goynta Siyaasada Xisbiga.

Horufadhi News

Exit mobile version