Laascaanood (HM) ― Wararka hadda naga gaadhaya Magaalada Hargeysa ee xarunta u ah Maamulka Soomaliland ayaa sheegaya in maanta Maxkamada Hargeysa ee G/Maroodi-jeex la hor-geeyay Xildhibaan Dhakool.
Xildhabaan Dhakool oo kamida xildhibaanada Golaha Wakiilada maamulka Somaliland isla markaana kamid ah xubnaha kasoo jeeda Gobalka Sool ayey Habeen hore ciidamada Boolisku Soomaliland kala baxeen Gurigiisa oo ku yaala Hargeysa iyaga oo intaas kadibna hore usoo qaatay Allaab kala duwan oo xafada taalay sida ay xaaskiisa maalinimadii shalay Warbaahinta u xaqiijisay.
Xildhibaan Dhakool ayaa markii Saaka la hor-geeyay Maxkamada waxa gebi-ahaanba diiday inuu dhageysto Dacwadii lagu soo oogay Gudoomiyaha maxkamada G/Maroodi-jeex.
Guddoomiye Cabdi Qawdhan ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaan Dhakool aan xarigiisa loo marin sifo sharci ah isla markaana wuxuu ku sheegay mid aan waafaqsaneen hanaanka sharciga ah, isagoona ka dhawaajiyey in xildhibaanka lasoo xiray isagoo Xasaanadii Xildhibaanimo laga qaadin.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in aanay xaq u laheyn in ay dhageysato maxkamadu dacwada lagu soo oogay xildhibaanka, ilaa inta ay xildhibaanada Golaha Wakiiladu ka qaadayan xasaanada.
Xildhibaan Dhakool ayey ciidamadu dib ugu celiyeen xarunta dambi baarista ee CID-da, kadib markii uu guddoomiyaha Maxkamadu uu diidey dhageysiga dacwada lagu soo oogay.
HM.COM